Qorsho la xiriira arrimaha BBI oo dib loo dhigay

Waxaa uu qorshuhu ahaa in maanta guud ahaan dalka si rasmi ah looga billaabo uruurinta saxiixyada lagu taageerayo warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI si dastuurka wadanka u degsan wax looga beddelo.
Hasa ahaate arrintan ayaa dib loo dhigay galinkii dambe ee shalay maadaama uu dib u dhac ku yimid soo saaridda hindise sharciyeedka sharci beddelka.
Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM ,Raila Odinga ayaa horay u sheegay in isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ay toddobaadkan gudihiisa daahfurayaan ololaha heer qaran ee lagu soo uruurinaya saxiixyada shacabka.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo kooxo kala duwan sida naafada , haweenka, xoolo dhaqatada iyo madaxda kaniisadaha ay dalbanayaan in wax laga beddelo qodobbada warbixinta BBI.
Waxay wararku intaa ku darayaan in galinkii dambe ee shalay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto in ay kulan wada qaateen in kastoo ilaa iyo hadda aan la faahfaahin waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Ruto waxaa uu ka mid yahay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ku adkeysanaya in aan la dadajin geedisocodka BBI oo dhammaan Kenyaanka fursad siman loo siiyo in ay ka ra’yi dhiibtaan isbeddellada dastuuriga ee la doonayo in la sameeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here