Qoys hooy la’aan ku noqday dab ka kacay Nyandarua

92

Qoys ka kooban 10 xubnood ayaa lagu soo warramayaa inuu hooy la’aan ku noqday ismaamulka Nyandarua ee bartamaha dalka kaddib markii guri ay degganayaan oo u yaalla tuulada Sariti ee deegaanka Kinangop uu dab qabsaday.
Mr David Karanja oo ah mulkiilaha gurigaasi ayaa sheegay inuu beer soo falanayay ka hor inta qof daris la ah uunan ku soo wargelin dhibaatada dhacday.
Waxaa uu intaasi ku daray inuunan ilaa iyo hadda ogeyn sababta keentay inuu dab ka kaco gurigaasi.
Sido kale Mr. Karanja ayaa hoosta ka xariiqay in dhacdadan ay murugo ku reebtay maadaama uu lumiyay hanti qiimaheedu yahay in ka badan 2 milyan oo shilin.
Guriga gubtay ayaa ka koobnaa ilaa 8 qolol ah in kastoo la isku dayay in dabka la damiyo haddana laguma guulaysan waxaana gebi ahaanba burburay dhismahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here