Qoysas ay daadad ku barakiciyeen Garissa

Dadka deggan xaafadaha u dhow webiga Tana River ee ismaamulka Garissa ayaa waxaa ku fatahay webiga taasoo ku qasabtay inay u guuraan dugsiyada si ay hooy uga dhigtaan.
Waxay dowladda ka codsanayaan inay si deg deg ah ugu gurmato.
Qaar ka mid ah dadka barakacay oo la hadlay idaacadda STAR FM ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay .

Dhanka kale barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa shacabka ku nool dowlad deegaankaasi gaar ahaan meelaha inta badan ay daadadka saameeyaan ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Waxaa uu dadka deggan agagaarka webiga Tana River kula taliyay inay u guuraan meelaha uu jooggoodu sarreeya.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegtay in maalmaha nagu soo aaddan la rajeynayo roobab xooggan oo ka da’a qeybo ka mid ah wadanka.
Cali Bunow ayaa qoraal uu soo dhigtay bartiisa rasmiga ee Twitarka iyo sido kale Facebook-ga ku sheegay in heerka biyaha webiga Tana River ay hadda sarreyaan oo ay gaareen 5.1 miliimitar.
Barasaabka ayaa intaasi ku daray inay xaaladda si dhow ula socdaan gaar ahaan ismaamulka uu hoggaamiyo ee Garissa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la isku dubariday guddi gaar ah oo qaabilsan la tacaalidda musiibooyinka .
Waaxda ismaamulka Garissa u qaabilsan dhanka saxaafadda ayaa sheegtay in xoghayaha dowlad deegaankaasi Mr. Cabdi Muxumad Cali uu isugu yeeray kulan degdega ah oo looga arrinsanayo sida gargaar baniaadannimo loogu fidin karo dadka ay daadadka saameeyeen.
Dhanka kale sida laga soo xigtay waaxda saadaasha hawada ee dalka waxaa laga cabsi qabaa in saameyn ay ka dhalato roobabka la rajeynayo ee cabbir ahaan lagu qiyaasayo 30 millimitar.
Goobaha la saadaalinaya inay saameyn ku timaado waxaa kamid ah Gobolka Waqooyi Bari, Galbeedka dalka iyo sidoo kale magaalada Nairobi.
Waaxda oo ka digtay in baabuur lagu dhex kaxeeyo ama dadku ay ku dhex socdaan biyaha ayaa sheegtay in heerka roobabka la rajeynayo in maalinta Arbacada uu hoos u dhaco qeybo kamid ah dalka.
Maamulka qaran ee waddooyinka waweyn ee (KeNHA) ayaa darawallada ku boorrisay inay taxaddar muujiyaan inta ay baabuurta wadaan xilli-roobaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here