Qoysaska ay carruurtooda ku dhinteen isbuurashadii Kakamega oo lacago la siiyay

Qoysaska 15 arday oo saddexdii bishii labaad ee sannadkan ku dhintay isbuurasho ka dhacday dugsiga hoose dhexe ee Kakamega ayay dowladda ismaamulkaas siisay min 200 oo kun oo shilin.
Waalidiinta toddobo arday oo ay dhaawacyo culus soo gaareen ayaa sido kale helay min 50,000 oo shilinka dalka ah.
Lacagtan ayaa qeyb ka ahayd 6 milyan oo la aruuriyay xilli baroordiiq lagu qabtay fagaaraha Bukhungu Stadium.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale 46 ka mid ah ardayda dugsigaas ay fariimo u gudbiyeen saraakiisha waaxda dambi baarista.
Lacagtan ayaa looga gol leeyahay in lagu bixiyo qarashaad qoysaska ka galay howlaha aaska ee carruurtooda.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Kakamega ee galbeedka dalka Mr. Wycliffe Oparanya ayaa waalidiinta u sheegay inaynan jirin qiimo lacageed oo loogu beddeli karo musiibada ku timid balse lacagta ay tahay caawimaad yar oo keliya.
Dowladda dhexe oo ay matalayso Pauline Dolla ayaa ku deeqday 1.4 milyan oo shilin.
Golaha ay ku mideysan yihiin guddoomiyaasha ismaamullada dalka ee (CoG) ayaa bixiyay 2 milyan halka ururka macallimiinta dalka ee KUPPET uu bixiyya 400,000 oo shilin.
Mr .Oparanya, barasaabka Kakamega ayaa sheegay in qoysaska ay horay u heleen min 100,000 oo 24,000 ka mid ah lagu maareeyay qarashaadka dhanka gaadiidka.
Dowladda ismaamulka Kakamega ayaa hoosta ka xarriiqday inay 1.2 milyan oo shilin ku bixisay qarashaadka lagu daaweeyay 39 arday ah oo isbuurashadaas ku dhaawacmay.
Maamulka dugsiga hoose dhexe ee Kakamega Primary ,Dickson Wanyangu ayaa sheegaya in weli xaruntaas waxbarasho aynan ka soo kaban dhibaatadii soo gaartay ardayda.
Waalidiinta ay carruurtooda halkaas ku dhinteen ayaa booliska ugu baaqay in baaritaanada kaddib ay shaaciyaan waxyaabaha u soo baxay si cidii waajibaadkeeda ka gaabisay loola xisaabtamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here