Qoysaska danyarta ah oo toddobaad kasta la siinaya kun shilin

Dowladda dhexe ayaa sheegtay inay isbuuc kasta lacag dhan 1000 shilin siinaysa qoysaska danyarta ah.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa xusay in dhaqaalahan lagu taageeraya dadka dhibaatooyinka u nugul.
Waxaa uu xusay in dowladda ay dadaal ku bixinayso sidii qoysaska liita looga qafiifin lahaa culeyska uu la yimid coronavirus.
Dr. Kibicho ayaa carrabka ku adkeeyay in 108,000 qoysas ah oo ku kala nool ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kwale iyo Kilifi ay lacagan heleen.
Xillii uu u warramay idaacadda Inooro ayuu Kibicho caddeeyay in qoys kasta lagu wareejiyay 2,000 oo shilin oo ay isticmaalayaan laba toddobaad.
Xoghayaha ayaa intaa ku daray in barnaamijkan la ballaarin doono si loo gaarsiiyo danyarta ku nool Thika, Kiandutu, Kiambu, Kakamega, Eldoret, Kisumu iyo meelo kale.
16-kii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu ku dhawaaqay barnaamijka lagu caawinayo dadka danyarta ah ee ku nool gudaha wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here