Qoyska qof tahriibiye reer Liibiya oo dilay 30 muhaajiriin ah

Muhaajiriin

Qoyska tahriibiye reer Liibiya ah oo ay dileen muhaajiriinta ayaa weerar aar goosi ah ku laayay 30 muhaajiriin ah sida ay sheegtay dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Mezdah oo 150 kiloomiitar dhanka Koonfur kaga beegan caasimadda Tripoli sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana 32 jir kan loo dilay sababo aan la garaneyn.
Kow iyo toban tahriibayaal kale, oo dhalashooyinkooda aan la sheegin, ayaa lagu dhaawacay oo la dhigay isbitaal ku yaal Zentan, oo 170km kaga beegan koonfur-galbeed caasimadda Tripoli.
Wasaaraddu ayaa ballanqaaday inay raad raaci doonto dambiilayaasha wax dilay.
Dalka Libya ayaa qalalaase ku jiray tan iyo sannadkii 2011-kii markaas oo xilka laga tuuray lana dilay hoggaamiyihii mudada dheeraa Mucammar Gaddafi.
Sannadihii la soo dhaafay, waddanku wuxuu sidoo kale noqday albaab muhiim u ah muhaajiriinta iyo qaxootiga si ay u gaaraan Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here