Qurbajoogta Kenyaanka oo Nairobi ku shiraya

Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo 17-ka bishan Diseembar magaaladatani Nairobi uu ka qabsoomo kulan ay yeelanayaan qurbajoogta dalka.
Shirkan ayaa socon doono saddex cisho waxaana lagu wadaa inay khudbado ka jeediyaan mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxa mucaaradka ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Mr.Raila Odinga.
Hoggaamiyaha ururka ay ku mideysan yihiin qurbajoogta Kenyaanka ee(KDA) Shem Ochuodho ayaa sheegay in shirka uu ka dhici doono maqaaxida Ole Sereni Hotel.
Dr. Shem Ochuodho ayaa xusay inay casuumeen madax uu ka mid yahay safiirka Denmark ee Kenya Ambasadoor Mette Knudsen.
Ka hor doorashadii madaxtinimo ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii Raila Odinga uu si weyn ugu ololeeyay in qurbajoogta wadanka fursad loo siiyo inay codeeyaan.
Hal ku dhigga shirka sannadkan ayaa ah “Diaspora: The Big Four Agenda” oo ay micnaheedu tahay qurbajoogta oo eegaya afarta qorshayaal ee ugu waweyn ee maamulka talada haya ee Jubilee.
Qorshayaashan ayaa kala ah sare u qaadidda wax soo saarka, guriyeynta, la tacaalidda cuno yarida iyo helidda adeegyo caafimaad oo dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here