Rabshad ka dhacday xarunt goolaha hoose ee Nairobi

Waxaa ay rabshad markale ka dhax bilaawatay dhismaha Golaha hoose ee Nairobi kaddib markii wakiilada golaha hoose ay isku dayeen in xoog ay xilka uga xayuubiyaan guddomiyaha golaha hoose ee Nairobi Beatrice Elachi iyadoona 59 saxiix ay gudbiyeen ee uga soo horjeedaan hoggaminteeda.
Waxaa jiray tiro ciidamada booliska goobta ku sugnaa oo xaaladda dajinayay.
Wakiilada ayaa dhanka kale ka soo horjeeda magacaabista dhawaan ay u magacowday karaaniga golaha Edward Gichana oo ay maxkamadda ka soo hor jeesatay.
Gichana waxaa loo dhaariyay inuu noqdo karraaniga cusub si uu u badalo Jacob Ngwele.
Dhaarinta Gichana ayaa timid maalin uun kaddib markii jacob Ngwele uu xafiiska kusoo laabtay sagaal bilood kaddib.
Si kastaba ha noqotee, Elachi ayaa isku xirtay xafiiskeeda iyada oo booliisku ka hor istaageen MCA-yada inay galaan xafiiskeeda.
Ciidamada booliska ayaa danta ku qasabtay in wakiilada ay ku kal eryaan sunta dadka ka ilmeysiiso.
Wakiilada golahaasi ayaa horay xilka qaadis ugu sameeyay Elachi balse dacwad in muddo ah socotay kaddib garsoorayaasha ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshinkii ka dhanka ahaa.
Bishii sagalaad ee sannadkii 2018-kii ayey guddoomiyaha golaha dowlad deegaanka Nairobi xafiiska laga saaray xilligaasi oo qaar ka mid ah wakiilada ay ku eedeyeen inaynan waajibaadkeeda u gudan sida habboon.
Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Nairobi Mrs. Beatrice Elachi ayaa bishii Oktoobar xafiiskii ay ka howlgalaysay dib ugu laabatay kaddib amar ka soo baxay maxkamadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here