Rabshad ka dhacday xarunt KNUT ee Nairobi

Ciidamada booliska ayaa ku qasabtay inay sunta dadka ka ilmaysiisa adeegsadaan kadib markii rabshad ay ka dhacay xarunta ururrka macalimiinta qaranka KNUT.
Rabshadani ka dhacday xarunta KUNT ayaa timid kadib markii Qaar ka mid ah macalimiinta ay ka soo horjeesteen inuu xaafiiska sii fadhiyo xog’hayaha ururka macalimiinta KNUT Wilson Sossion.
Xubnaha golaha macalimiinta ayaa saaka tagay xarunta KNUT Ka dib marki maxkmadda ay joojisay in la qabto kulan inta go’aan laga gaarayo xaalada Sossion.
Xubnaha ka soo horjeeda Sossion ayaa galay xarunta ururrka macalimiinta qaranka si ay u eryaan Wilson Sossion.
Ma cadda inuu xafiiska saaka ku sugna Wilson Sossion iyo in kale.
Ciidamo boolis ah ayaa hordhooban xarunta KNUT ee magaala madaxda dalka Nairobi.
Sido kale ciidamada booliska ayaa u xiray rabashadaha ka dhacay Xarunta Knut afar qof.
Mr Sossion ayaa isku haya laba shaqo waxaa uuna baarlamaanka ugu jira xaildhibaan si magacaabis ah .
Ms Guserwa oo ah qareenka Mr Sossion ayaa sheegtay in Xubnaha Golaha Fulinta ee dalladan aysan awood ku laheyn knut islamarkaana ay wadaan in ay yeeshaan kulan dib loo dhigay .
Maalmo ka hor ayay ahayd markii qaar ka mid ah mas’uuliyiintan ururkan ee gobolka bartamaha dalka ay Mr. Sossion ku eedeyeen inuu ka soo horjeedo mashariicda dowladda ee dhanka tacliinta sidaasi awgeedna ay ka dalbanayaan inuu shaqada isaga tago.
Si kastaba ha noqotee, Xubnaha golaha fulinta ee KNUT oo ka kooban 39 ayaa maanta ku adkeystay in Mr Sossion uu xafiiska baneeyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here