Racfaan uu codsaday barasaab ku xigeenka Kilifi oo maanta la go’aaminaya

Maxkamadda ismaamulka Mombasa ayaa la filaya inay maanta go’aan ka soo saarto in barasaabka ku xigeenka dowlad deegaanka Kilifi ,Gideon Saburi damiin lagu siidaynayo iyo in kale.
Mas’uulkan ayaa loo soo eediyay eedeyn ah inuunan u hoggaansamin amarkii Dowladda ee ku aadanaa inuu iskarantiilo kaddib safar uu uga soo laabtay dalka Jarmalka .
Dowladda ayaa Saburi ku dhaliishay in amar diiddo uu ku kacay ay sababtay in dad kale uu qaadsiiyay cudurka Covid-19 oo isaga saameeyay.
In kastoo ay Dowladda sheegtay inuu cudurka ka bogsaday haddana kaddib markii ay u dhammaatay mudadii karantiilka ayaa maxkamadda la geeyay si loogu oogo dacwad ah inuu dafiray arrin laga dalbaday.
Shalay ayaa lagu waday in la go’aamiyo codsigiisa ku aaddan in damiin lacageed lagu siidaayo balse taasi ayaa dib loo dhigay.
Saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ayaa dhankooda dalbanaya in eedeysanaha xabsiga lagu sii hayo muddo 10 cisho si ay u soo gabagabeyaan baaritaannada ka dhanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here