Rag hubaysan oo dil ka gaystay ismaamulka Kirinyaga

Kooxo hubaysan ayaa xalay dil u geystay waardiye ilaala ka ahaa goob dhisme bullaacad ka socotay ee deegaanka Ndomba ee ismaamulka Kirinyaga.
Burcadda hubaysan ayaa weerarka ka geysatay goobta mashruucaasi ka socotay ee Mannases Kuria.
Walaalka la dhashay waardiyaha dilka loo geystay islamarkaana kormeere ka ah goobta uu mashruuca ka socday ayaa aad uga naxay markii uu arkay maydka walaalkii oo gacmaha iyo lugaha ka xiran.
Burcadda ayaa goobta ka qaatay qalab kala duwan oo dhul qudista loo isticmaallo.
Guddomiye Kuxigeenka dowladda dhexe u qaabilsan deegaanka bariga Mwea Fred Ayeko ayaa sheegay maydka wardiyaha ay dhawaacyo badan madaxa kaga yaaleen.
Guddomiyaha ayaa xusay in la wado barritano arrintan la xiriiro.
Dhanka kale waardiye labaad oo waqtigaas ku jiray waajibaadkiisa shaqo ayaa asna soo gaaray dhaawac waxaana haatan lagu dabiibaya cisbitaalka Reerbital ee deegaanka Kerugoya.
Maydka ayaa loo qaaday goobta la dhigo maydadka ee Kibugi Funeral.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here