DHAGEYSO:Rag hubaysan oo Muqdisho lagu dilay

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysanaa oo la sheegay inay burcad ahaayeen ayaa waxaay is rasaaseyn ku dhex-martey Gudaha suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano suuqa Khaliifa.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga Burcada ahaa oo ku hubeysnaa Bustoolado ay dhac u geysanayeen dadka Shacabka ah,hayeeshee Ciidamada Dowladda ay kusoo baxeen,sidaasina ay israsaaseyntu ku dhex-martey.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Ammaanka ay toogteen Afar ruux oo la sheegay inay ahaayeen burcada,kuwaasoo Ciidamada la dagaalamey,waxaana intii ay socotay israsaaseynta istaagay isku socodka dadka iyo Ganacsiga Qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.
Wararka waxaay intaasi ku darayaan in xaalada Suuqa Khaliifa oo ku yaalla gudaha Suuqa Bakaaraha oo ah halka ay israsaaseyntu ka dhacdey ay tahay mid degan,isa markaana meydka Afarta Nin ee la diley ay qaadeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Laamaha Ammaanka ee dowlada Soomaaliya weli war rasmi ah kama soo saarin dilka Afarta Nin ee hubeysneyd,kuwaasoo la sheegay inay dhac ka geysanayeen gudaha Suuqa Bakaaraha degmada Howl-Wadaag ee gobolkan Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta kula hadlay goobta ay wax ka dhaceen ayaa u mahadceliyay sahcabka wuxuuna tilmaamay inay kooxdaan ahayd kuwa horay dhibaatooyin ugu gaysan jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here