Rag hubeysan iyo ciidamada ammaanka Afghanistan oo dagaalamay

Wararka naga soo gaaraya caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul ayaa sheegaya in uu halkaas iska hor imaad u dhex maray ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan.
Waxay labadan dhinac rasaas isku weydaarsadeen jaamacadda magaaladaas.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii qarax la gaystay lagu dhaawacay ugu yaraan 6 qof.
Kooxda Taalibaan ayaa dhankeeda beenisay in dagaalyahanadeeda ay weerarka fuliyeen.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan Tariq Arian ayaa sheegay in ciidamada ay falcelin sameyeen hasa ahaate aysan weli caddeyn in weerarku uu yahay mid la isku soo duba riday ama fal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here