Rag hubeysan oo 11 ruux ku dilay xarunta ciidamada Iraq ee Baghdad

Dabley aan heybtooda la garaan ayaa weerar ku qaaday farisiin ay cidamada dowladda Ciraaq ku leeyihiin galbeedka magaalada Baghdad iyagoona halkas ku dilay 11 ruux halka 8 kalana ay dhawacen.
Dadka uu falkan saameeyay waxaa ka mid ah askar sida ay xaqijiyeen ilo wareedyo iskugu jiro boolis iyo dhaqatiir cafimaad.
Ragga weerarka fuliyay ayaa watay afar gaari iyagoona weerar ku qaaday boosteejada koonfur-galbeed ee al-Radhwaniya waxaana la sheegay in ay adeegsanayeen bambooyin iyo hub atomaatig ah.
Milatariga Ciraaq ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen ku sheegay in kooxdu ay ahayeen kuwa argagixiso ah ayna weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad Sunni ah oo ay taageerto dowladda, halkaas oo ay ku dileen afar qof halka seddexna ay ku dhaawaceen.
Ciidamada Milatariga iyo Booliska ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii weerarka ka danbeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here