Rag hubeysan oo dilay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ghana

Booliska dalka Ghana ayaa sheegay in ay baarayaan toogasha shalay loo geystay xildhibaan ka mid ah baarlamaanka dalkaasi kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad siyaasadeed oo ka dhacday deegaankiisa.
Ekow Quansah Hayford, oo xubin ka ahaa xisbiga talada haya ee New Patriotic Party (NPP) ee uu hoggamiya madaxweyne Nana Akufo-Addo ayaa waxaa uu olole ugu jiray ka hor doorashooyinka bisha Diseembar ee sannadkan ka dhacaysa deegaankiisa, oo qiyaastii 108 kiilomitir u jirta caasimadda Accra.
Wofa Yaw oo ah sarkaal ka tirsan NPP ee la socday xildhibaanka la dilay ayaa yiri “darawalkiisa wuxuu isku dayay inuu gees ka maro isbaaro ay dhigteen koox hubeysan balse ay toogteen mudanaha.
Waxaa intaa ku daray sarkaalka NPP in xildhibaanka uu burcadda u sheegay inuu yahay mudane laga soo doortay deegaanka isla markiiba way toogteen isagoona isla goobta ku dhintay, halka darawalka dhaawac soo gaaray uu cisbitaalka ugu geeriyooday.
Madaxweynaha dalka Ghana Akufo-Addo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu aad uga naxay ugana murugooday dhimashada xildhibaanka , isagoona tacsi u diray qoyska uu ka baxay .
Waxaa uu dhanka kale saraakiisha dambi baarayasha iyo booliska faray in sida ugu dhakhsiyaha badan ay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka dambeeyay falkaas foosha xun.
Xisbiga mucaaradka ee dalkaasi National Democratic Congress (NDC), ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay joojinayaan ololahooda ay ka wadaan deegaanka iyagoo la kaashanaya xisbiga talada haya.
Ghana oo loo arko inay tahay mid ka mid ah dalalka ugu dimuqraadiyadda wanaagsan galbeedka Afrika ayaa isu diyaarineysa doorashada madaxtinimada ee dalkaasi ka qabsoomi doonta 7-da bisha Diseembar ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here