Rag hubeysan oo weerar ku qaaday isbitaal ku yaala Kabul

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday isbitaal ku yaala caasimada Afghanistan ee Kaabuul, waxayna xabad is weeydaarsadeen saraakiisha dawladda.
Weerarka ayaa la sheegay inay ku dhinteen 5 qof oo ay kaimd yihiin saddex haween ah iyo ilmo.
Weerarkan oo saacado yar un ka hor dhacay ayaa la sheegay in saraakiisha amniga ay gaareen goobta isla markaana qaraxyo iyo rasaas la maqlayo.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan Tareq Arian ayaa sheegay in in ka badan 80 haween iyo carruur ah ay ciidamada amniga ee Afghanistaan ka daad gureeyeen goobta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here