Rag ku eedeysan xasuuqii Rwanda oo lagu qabtay dalka Belgium

Saddex nin oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen xasuuqii Rwanda ayaa lagu xiray dalka Belgium sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha ee dalkaasi.
Laba ka mid ah shakhsiyaadkan ayaa la qabtay maalinkii Talaadada ee toddobaadkan halka kan saddexaad la qabtay maalinkii arbacada.
Raggan ayaa lagu eedeyay inay geysteen xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Howlgalka lagu soo xiray eedeysanayashaan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid ay ku lug lahaayeen dhinacyada kala duwan ee amniga.
Mid ka mid ah ragga ayaa lagu ilaalinya muuqaalka wax duuba ee CCTV islamrkaana si gaar loola socda halka labada kale ay ku jiraan xabsi.
in ka badan 800,000 oo qof ayaa lagu dilay xasuuqii Rwanda ka dhacay sannadkii 1994-tii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here