Rag loo haysto weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar oo la xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday rag loo heysto Weerar loo adeegsaday Bambooyinka gacanta iyo Bistoolada oo 10 Bishii August ee sanadkaan ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Ilaa 11-Eedeysane oo isugu jiro Ciidamada Asluubta , Xunkusanayaal iyo Garsugayaal ayaa lala xariiryay weerarkaas, waxayna hey’adaha Baarista iyo Guddi ay u saartay baaridda dhacdadaasi Xukummadda Soomaaliya ugu dambeyn ku wareejiyeen Gungaarka dhacdada Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo awood u leh dhaqaajinta Gal-dacwadeedkaas.
Mubarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xukunaa 10 sano oo xabsi Ciidan ah ayaa ahaa Gacanta hore ee weerarka, wuxuuna Nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtar Cabdullaahi Muuse, isgaoo sidaas kaga baxsaday dhabarka dambe ee Xabsiga.
Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo ahaa dadkii loo xiray lacaga Online ka ah ee Soomaali badan ku qasaartay ayaa ahaa qofka sida gaarka ah Maxaabiista kaga iibiya Qudaar balse mid kamid ah raggii qorsheeyay weerarka uu soo dhex marsiistay Hubkiisa.
Heerar kala duwan oo Maxkamadeed iyo Baaritaanno muddo dheer qaatay Maanta ayay Maxamadda Go’aan ka soo saartay, waxaana lagu kala xukumay
1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan
2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta oo ay ka wada tirsanaayeen.
5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.
6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.
7-Maxamed Nuur Maadeey8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo Iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluutaka mid ahaa ay Maxkamaddu dambi ku weyday, sida uu sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.
Sagaal kamid eedeysanayaasha ayaa ahaa Ciidamada Asluubta ee shaqada lahaa si guud iyo si gaar ah maalintaas ay mashaqadu ka dhacday Xabsiga Dhexe, waxaana loo xukumay inay ka gaabiyeen howshooda hadba heerka xukunka ay u arkeen Garsoorayaasha ay saareen halka Maxamuud Forex oo isagu lahaa Agabka wax lagu qariyay loo xukumay inuu u adeegay Shabaabka qorsheeyay weerarka ninka baxsadka ah Mubarik iyo raggii kala qayb galay oo intii howlgalka socday ay toogteen Ciidamada Amniga ee halkaas ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here