Rag loo qabtay lacago been abuur ah magaalada Eldoret

Booliska magaalada Eldoret ayaa xiray labo qof oo laga helay iyagoo heysta waraaqo lacageed oo been abuur ah oo qiimahoodu ka badan yahay Ksh. 150million oo shillinka dalka ah .
Tuhmanayaasha ayaa lagu qabtay iyagoo wata lacago faalis ah xilii ay ku hagaajinayeen guri ku yaala Elgon View ee Galbeedka Webuye.
Haweenay daris la ahayd nimankaasi hagaajiyay lacagaha been abuurka ah ayaa ciidamada ku wargalisay waxaa ayna sheegtay in malaayiin lacag ah ay ka dhaceen.
Ciidamada booliska ayaa hawlgalo ka bilaabay galbeedka Webuye iyagoona radainayaa dambiilayaal la sheegay inay dadka lacagaha beenta ah ku dhacaan.
Labada tuhmane ayaa loo qaaday Saldhigga Booliska ee Kiamba halkaas oo ay ku sii jiri doonaan illaa inta baaritaannada laga dhammeystirayo ka hor inta aan la horkeenin maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here