Rag qof afduub u haystay oo Meru lagu qabtay

Ciidamo ka tirsan waaxda dambi baarista ee dalka ayaa gacanta ku dhigay 3 tuhmane oo ka dambeeyay afduub ka dhacay ismamaulka Meru.
Seddaxdan shaqsi ayaa waxaa ay qofkii ay afduubteen ka dalbadeen lacag madax furasho ah oo gaaraysa 150,000 oo shilinka dalka ah.
Raggan afduubka gaystay, oo dhamaantood da’adoodu ka yar tahay 30 sano, ayaa lagu xiray kaymaha Njuri Tsake ee tuulada Mpinda ismamaulka Meru.
Ciidamada ayaa si aan cabsi lahayn ku galay keymaha iyagoona qabtay dambiilayaashaas.
14 maalmood ah ayay haysteen qofkii ay afduubteen .
Dhibanaha ay afduubteen ayaa baaritaan caafimaad lagu sameynaya .
Raggi falkaas loo xiray waxaa su’aalo lagu weydinaya xabsiga ka hor inta aan maxkmada la soo hortaagin.
Goobtii ay ku sugnaayeen afduubayaasha waxaa laga soo helay dhawr waxyaabood sida ay sheegeen waxda DCI-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here