DHAGEYSO:Rag siday foolasha maroodiga oo Kirinyaga lagu qabtay

Ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka Kirinyaga ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen afar rag ah oo siday 4 ka mid ah foolashada maroodiga.
Foolasha maroodiga ayaa cadadeyda lagu qiyaasay 9 milyan oo shilinka dalka.
Afartaan qof ayaa saaka aroorti laga soo qabtay tuulada Gathuthuma ee u dhow Keynta Mount Kenya ee ismaamulka Kirinyaga ee bartamaha dalka.
Sarkaalka shaqaalaha ee ismaamulka Kirinyaga Gideon Mugambi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidamada Duurjoogta ee (KWS) ay daba joogeen eedeysanayaasha islamarkaana ay ugu dambeyntii gacanta ku dhigeen.
Waxaa uu intaa ku daray in eedeysanayaasha lagu hayo saldhigga booliska ee Kerugoya islamarkaana maxkamad la soo taagi doono.

Mas’uuliyiinta ammaanka ee ismaamulkaas ayaa warbaahinta arrinkan  faahfaahin ka siiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here