Rag siday foolasha maroodiga oo Trans Nzoia lagu qabtay

Waxda dambi baarista ee DCI-da iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Duurjoogta ee (KWS) ayaa gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan ciidamada booliska qeybtooda qaabilsan maamulka ee AP-da iyo laba nin oo kale kaddib markii lagu qabtay ayaga oo siday foolasha maroodiga oo culeykeydu yahay 1.5 kilogrammes iyadoona cadadeyda lagu qiyaasay 800 kun oo shilinka dalka.
Sarkaalka Ap-da oo magaciisu lagu sheegay Simon Otieno Ochieng ayaa lala soo qabtay Wycliffe Kiboi Ndiema iyo Solomon Kibet Simotwa waxayna dhamaantood ka soo jeedaan deegaanka Saboti ee ismaamulka Trans Nzoia.
Ragaan ayaa xiligii la soo qabanayay ayaa foolasha ku safrinayay dhugdhugley sida ay saraakiisa DCI-da iyo KWS
Sarkaalka u qaabilsan waaxda dambi baarista ee deegaanka Endebess ayaa sheegay in shakhsiyadkan lagu daba jiray.
Taliyaha Booliska ee ismaamulka Trans Nzoia Ayub Ali, ayaa xusay in marka baaritaanada la soo gabagabeeyo, tuhmanayaasha la soo taagi doono maxkamad.
Horraantii bishaan ayey ahayd markii , afar qof lagu dhaawacay hawlgal ay sameeyeen ciidamada duur joogta ee KWS ku waas lagu eedeyay in ay gudbinayeen wax sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here