Ragii ka dambeeyay weerarkii Westgate Nairobi oo la xukumay

Laba qof oo lagu helay dambiyo la xiriira weerarkii argagixiso ee lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall magaaladatan Nairobii sanadkii 2013-kii , oo ayna ku dhinteen 67, ayaa maanta maxkmadda ku riday xukun xabsi ah.
Mohammed Ahmed Abdi ayaa lagu xukumay 26 sano halka Hussein Hassan Mustafa lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.
Xukunkan ayaa waxaa fuliyay madaxa garsoorka ee maxkmadda Millimani Nairobi Francis Andayi .
Dacwadda eedeysanayaashaasi waxaa la dhagaysanayay muddo 7 sano ah .
Qareenadda difaacayay Mohammed Ahmed Abdi iyo Hussein Hassan Mustafa kuwaas oo lagu kala magacaabo Mbugua Mureithi iyo Victoria Wanjiku Kariuki ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday labadaas qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here