Rah jaray masaafa dhan 5,000 oo mayl oo laga helay dukaan ku yaalla Ingiriska

Rah soo jaray masaafo gaareeysa shan kun oo mayl ayaa lagu arkay goob laga dukaameysto oo ku taalla Ingiriska. Raha ayaa ka soo socdaalay Koonfurta Ameerika.
Shaqaalaha Llanelli ayaa arkay raha Asda oo ku dhex jira moos lagu iibinayay dukaanka waxayna markiiba waceen shaqaalaha goobta lagu xananeeyo xoolaha.
Waxaa la aaminsan yahay in raha oo lagu naaneeso Asda uu ka soo socdaalay Colombia, halkaas oo UK looga soo dhoofiyo boqolaal kun oo tan oo khudaar ah oo dalkaasi laga soo saaro sannadkasta.
Xayawaanka Amphibians-ka loo yaqaan waxa ay awood u leyihiin iney is qariyaan oo ay la qabsadaan deegaanka ay markaasi ku sugan yihiin waana sababta uu rahan intaas oo masafo u socday isaga oo aan wax dhibaata ah gaarin.
Asda ayaa haatan loo wareejiyay goobta xayaawanka lagu xanaaneeyo ee World Zoo To You oo ku taalla Haverfordwest. Shaqaalaha xarunta ayaa aaminsan in rahani uu yahay raha ku dhex nool geedaha mooska.
Xarunta ayaa shaqaalaha dukaanka uga mahadcelisay sida wanaagsan ee ay ula dhaqmeen raha ilaa laga geeynayay xarunta.
Wax cusub ma ahan in mooska laga dhex helo raha sida ay sheegtay xarunta Silent World, ee lagu xanaaneeyo xaywaanka.
Waxaa jira ku dhawaad 800 oo nooc oo kala duwan oo raha geedaha ku nool ah, in ka badan 600 ayaa waxa ay ku nool yihiin Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika.
Raha geedaha ku nool ayaa waxa uu leeyahay midabo kala duwan, qaarkood midabka ayey badeshaan oo waxa ay isku ekaysiiyaan midabka hadba geedka ay saaranyihiin.
Inta badan raha geeduhu xajmi ahaan wuu yaryahay, waxa uuna si caadi ah uu ugu farriisan karaa dhinaca ugu shisheeya ee fartaada.
Raha geedaha ayaa indhihiisa waxa ay ka caawinayaan inuu liqo cunnada. Indhahooda ayey si adag u xiraan taas oo u sahlaysa in cunnada ay dhuuntooda marsiiyaanba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here