Raila Odinga oo sheegay inuu sii jiraya geedisocodka BBI

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga oo socdaal ku tagay ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta ayaa sheegay in kaddib marka laga gudbo caqabadda cudurka COVID19 la sii wadi doono arrimaha BBI.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay inaysan jirin cid hor istaagi karto isbedellada guddiga BBI uu doonayo in laga sameeyo gudaha dalka .
Waxaa uu xusay inay lagama maarmaan tahay in xal loo helo dhibaatooyinka haysta Kenyaanka.
BBI ayaa ah guddi loo xilsaaray inuu ka shaqeeyo xoojinta midnimada iyo dib u heshiisiinta.
Waxaa xubnaha guddigan oo uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee ay 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii 2018-kii ay yeesheen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here