Ra’iisul wasaaraha Armenia oo la kulmaya cadaadis badan

Ra’iisul wasaaraha dalka Armenia Nikol Pashinyan ayaa maanta soo bandhigay qorsho lix bilood ah kaas oo uu ku sheegay in looga gol leeyahay xasiloonida dimuqraadiyada dalkiisa.
Pashinyan ayaa ku gacan seeyray baaqyada iscasilaada ee uga imaanaya dibadbaxayaasha iyo dadka ka soo hor jeeda.
Waxaa lagu eedenayaa sida uu u wajahay colaadda kala dhaxaysa Azerbaijan gaar ahaan gobolka lagu muransanyahay ee Nagorno-Karabkh.
Heshiis uu garwadeen ka ahaa Ruushka ayaa xad dhuleed ay gacanta ku haysay Armenia lagu wareejiyay Azerbaijan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Armenia ayaa iscasilay horaantii isbuucan.
Pashinyan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in wixii dhacay uu mas’uul ka yahay isla markaana uu hadda doonayo inuu ka shaqeeyo amniga qarankaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here