Ra’iisul wasaaraha Australia oo ka digay isku imaatinka dadka badan

Ra’iisul wasaaraha Australia, Scott Morrison ayaa maanta oo Jimco ah soo saaray digniin ka dhan ah caabuqa Coronavirus.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyay in hadii ay tiro ahaan ka badan yihiin 500 oo qof aynan hal meel isugu imaan.
Gudaha Australia ilaa iyo hadda waxaa laga diiwaangeliyay kiisaska Coronavirus oo gaaraya 156 halka dhimashada ay tahay saddex qof.
Morrison oo shacabka kula hadlayay magaalada Sydney, ayaa sido kale u soo jeediyay inay dib uga fikiraan safarrada ay doonayaan inay ku tagaan dibadda.
Caabuqa Coronavirus ee ka soo billowday Shiinaha ayaa guud ahaan caalamka waxaa uu ilaa iyo hadda saameeyay 135,000 qof halka in ka badan 4,900 kalena ay u dhinteen cudurka uu sababo ee COVID0-19
Saraakiisha caafimaadka ee Australia ayaa ka digaya in malaayiin qof uu cudur sidaha saameyn karo muddo lix bilood gudahood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here