Ra’iisul wasaaraha Baxrayn oo geeriyooday

Waxaa geeriyooday dhaxalsuge Khalifa bin Salman al-Khalifa oo ahaa ra’iisul wasaaraha Baxrayn.
Ninka ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 1971-dii wuxuuna dhintay maanta isagoo 84 sano jir ah.
Wakaaladda wararka ee dowladda Baxrayn (BNA) ayaa ku warramaysa in uu ku geeriyooday isbitaalka Mayo Clinic Hospital ee ku yaalla Maraykanka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Baxrayn laga sameyn doono baaroordiiq rasmi ah muddo hal toddobaad ah.
Mas’uulkan ayaa la aasi doonaa kaddib marka meydkiisa laga soo qaado Maraykanka.
Munaasabadda aaska waxaa ka qayb galaya dad tiro yar oo ay ka mid yihiin eheladiisa iyadoo la ilaalinaya xeerarka cudurka COVID-19.
Inta baroordiiqu uu socdo waxaa hoos loo dhigaya calanka Baxrayn halka xafiisyada wasaaradaha dowladda iyo waaxyaha hoos tago ay xirnaan doonaan muddo saddex cisho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here