Raii’sul wasaaraha Ciraaq oo baarlamaanka u gudbiyay warqadda is casilaadda

Raii’sul wasaaraha wadanka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa golaha baarlamaanka ee dalkaasi u gudbiyay warqad uu ku xaqiijinayo inuu iska casilaya xilkii uu hayay.
Iscasilaadda mas’uulkan ayaa ku soo beegmaysa kaddib markii ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada toddobaadyadii ugu dambeeyay socday.
Tan iyo bishii tobnaad ee sannadkan ilaa 400 oo qof oo ka mid ah shacabka Ciraaq ayaa ku dhintay mudaaharaadyada looga soo horjeedo hoggaanka siyaasadeed oo dadweynaha ay ku dalbanayaan in dib u habeyn lagu sameeyo.
Sido kale dalabaadka shacabka waxaa ka mid ah in shaqa abuur la sameeyo dhanka kalena xal loo helo musuqmaasuqa hareeyay waaxyaha maamulka wadankaasi ka taliyo.
Cabashada dadweynaha ayaa qeyb ka ah adeegyada dowladda oo ay ku tilmaameen kuwo ka liita heerkii la doonayay.
Dhanka kale xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya in dibadbaxayaasha rasaas loo adeegsaday .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here