Rai’isul wasaaraha cusub ee Lesotho oo la dhaariyay

Rai’isul wasaaraha cusub Moeketsi Majoro

Waxaa maanta la dhaariyay rai’isul wasaaraha cusub ee dalka Lesotho Moeketsi Majoro, maalin un ka dib markii uu is casilay hoggaamiyihii ka horreeyay cadaadis badan oo kaga yimid fadeexado ah inuu dilay xaaskiisi hore.
Majoro, oo hory u ahaa wasiirka maaliyadda ayaa lagu dhaariyay qasriga boqortooyada halkaas oo ay ku sugnaayeen marti Sharaf badan, balse wax hadal ah ma usan jeedin.
Thomas Thabane, oo 80 jir ah, ayaa shaley ku dhawaaqay in uu is casilay kaddib markii booliska dalkaasi ay saddex bilood ka hor ku eedeeyeen in asaga iyo xaaskiisa looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilka haweeney uu horay u qabay.
Lipolelo Thabane ayaa bishii Juun ee sannadkii 2017-kii waxaa la toogtay iyada oo saaran baabuurkeeda waxaan labo maalin ka har saneyd caleema saarkiisa.
Xaaskiisa hadda oo lagu magaacabo Maesaiah, ayaa waxaa loo xukumay dilkan inay geeysatay halka Mr. Thabane kiiskiisa la dhageeysan doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here