Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo goor dhow la magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay ra’iisal wasaare kaddib muddo ku dhow labo billood oo dowladda federaalka ku shaqeynaysay xukuumad kumeel gaar ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkaan u magacaabay  Maxamad Xuseen Rooble isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha qaran.

Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Ra’iisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda in ay ka dhaqan geliso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska ciidamada qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo musuqmaasuqa.

Magacaabiddan ayaa kusoo beegantay saacaddo kaddib markii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii arimaha doorashada, iyadoo loo maleynayo in magacaabiddiisu qeyb ka ahayd heshiiska Muqdisho lagu gaaray.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la magacaabay waqti kala guur siyaasadeed ah oo uu dalka Soomaaliya isku diyaarinayo doorashooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here