Ra’iisul wasaaraha dalka Suudan oo ka badbaaday isku-day dil

Wararka naga soo gaaraya magaalada Khartoum ee dalka Suudan ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha wadankaas Cabdalla Xamduuk uu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in looga takhaluso.
Qoyska Mr .Xamduuk ayaa sheegay in u badqabo oo uu fiican yahay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa la geeyay goob ammaan ah oo aan la shaacin.
Telefishinka dowladda ee dalkaasi ayaa baahiyay in kolonyo uu la socday Cabdalla Xamduuk lagu weeraray magaala madaxda Suudaan ee Khartoum.
Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa laga dhex arkayay burbur soo gaaray kolonyo baabuur oo uu watay ra’iisul wasaaraha.
Wararka ayaa intaas ku daraya in la isku dayay in la qarxiyo gaariga uu la socday mana jirto cid markiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Bishii sideedaad ee sannadkii tagay ayay ahayd markii mas’uulkan uu qabtay hoggaanka maamulka ku meel gaarka ah ee dalkaasi kaddib markii hoggaanka laga tuuray madaxweynihii hore Cumar Xassan Al-Bashiir kaddib mudaharaadyo ka taagnaa dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here