Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo ka hadlay ka bixitaanka EU

Ra’iisul wasaaraha boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson ayaa maanta oo isniin ah sheegay inuu donayo in heshiis la gaaro ka hor inta Britain aynan isaga bixin midowga Yurub.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ugu dambeyn 31-da bisha tobnaad ee sannadkan ingiriiska uu soo afjaro ka mid ahaanshaha EU-da.
Mr. Johnson ayaa ku nuuxnuuxsaday in kastoo ay jiraan siyaasiyiin arrinkan ka soo horjeedo haddana ay khasab tahay in laga dhabeeyo.
Xilli isaga iyo dhigiisa Ireland Leo Varadkar ay shir jaraaid ku qabteen magaalada Dublin ayuu Johnson hoosta ka xarriiqay in ilaa iyo hadda uunan jirin wax heshiis ah oo loo soo bandhigay.
Waxaa uu intaasi ku daray in iyadoo loo daneynayo ganacsatada , beeraleyda iyo malaayiin ka mid ah shacabka ingiriiska , uu si aad ah u doorbidayo heshiis la wada gaaro.
Ra’iisul wasaaraha ayaa qabo in Isfahan la gaari karo 18-ka bishan, waxaa uuna siyaasiyiinta Britain ugu baaqay inay taasi iska kaashadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here