Ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo madaxweynaha Ruushka oo la filayo inay kulmaan

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin.
Kulanka ayaa maanta oo khamiis ah ka dhacaya magaala xeebeedka Ruushka ee Sochi .
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan xukuumadda Moscow ay cambaareysay ballanqaad uu sameeyay Netanyahu.
Mr. Netanyahu ayaa sheegay inuu la soo wareegayo qeybo ka mid ah daanta galbeed ee Falastiin.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa ka digtay in qorshahaasi haddii lagu dhaqaaqo uu gobolka u horseedi karo xasarad sare u sii kacdo.
Waxay intaasi ku dartay in ballanqaadka Netanyahu uu hoos u dhigayo dadaalada iyo wada hadalada lagu heshiisiinayo Israa’iil iyo Falastiin.
Go’aanka Israa’iil waxaa sido kale dhaliilay Falastiin , wadamada kale ee carbeed qaramada midoobay iyo midowga Yurub.
Netanyahu iyo Putin ayaa ka wada hadli doono xaaladda ka taagan Suuriya iyo sida la isugu dubaridi karo howlgalada milatari
Sido kale waxaa uu qorshuhu yahay inay kulan yeeshaan Mr. Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka ,Sergei Shoigu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here