Ra’iisul wasaaraha Japan oo iscasilay

Ra’iisul wasaaraha wadanka Japan Shinzo Abe ayaa ku dhawaaqay inuu xilkiisa iska casilay.
Tallaabadan ayuu maanta oo Jimco ah u aaneeyay caafimaadkiisa oo aan wanaagsanayn.
Abe ayaa sannado la xanuunsanaa mid ka mid ah cuduradda saameeya hannaanka dheef-shiidka.
Shinzo oo 65 sano jir ah ayaa sheegay inuunan ku kalsooneyn inuu sii wadi karo shaqada hoggaanka ee ay shacabku u igmadeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here