Ra’iisul wasaaraha Japan oo sheegay inuu diyaar u yahay kulan uu la qaato madaxweynaha kuuriyada Waqooyi

Ra’iisul wasaaraha wadanka Japan ,Shinzo Abe ayaa maanta oo isniin ah hoosta ka xariiqay inuu doonayo diyaarna u yahay kulan fool ka fool ah oo uu la yeesho hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump uu si weyn u taageerayo kulanka labada mas’uul ka dhexeynaya.
Mr. Abe ayaa intaasi raaciyay inuunan wax shuruud ah ku xireynin wada hadalada uu la yeelanayo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi.
Shinzo Abe ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraaid oo isaga iyo Trump oo booqasho afar maalmood ah halkaasi ku joogo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Tokyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here