Rai’isul wasaaraha Lesotho oo is casilay

Rai’isul wasaaraha dalka Lesetho Thomas Thabane ayaa si rasmi ah maanta isku casilay kaddib markii xukuumadiisa wadaaga ahayd ay dhacday.
Tallaabadan ayaa la aaminsan yahay inay soo afjari doonto khilaafka siyaasadeed ee dalkaasi.
Hadal uu ka jeediyay maanta taleefishenka ayuu ku sheegay is casilaadiisa.
Waxaa uu warqada is casilaada ku wareejiyay boqorka saddexaad ee Lesotho.
Rai’isul wasaaraha is casilay ayaa culeys badan la kulmayay kadib markii asaga iyo xaaskiisa lagu eedeeyay inay dileen haweeneey uu horey u qabay.
Wasiirka maaliyadda Moeketsi Majoro, oo 58 jir ah, ayaa la filayaa inuu beddelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here