Ra’iisul wasaaraha Libya oo soo dhaweeyay in doorasho ay ka dhacdo dalkaasi

Ra’iisul wasaaraha dowladda ay Qaramada Middobay aqoonsan tahay ee Libya Fayez Serraj ayaa soo dhoweeyay in dalkaasi ay doorasho ka dhacdo bisha Desembar sannadka 2021-ka.
War qoraal ah ayuu Serraj ku sheegay in dowladiisa ay soo dhowayneso heshiiska lagu gaaray dalka Tunisia intii u dhaxeysay 7-15-kii bishan oo ay ka qeyb galeen Madasha Siyaasadeed ee wada hadlka Libya ee (LPDF).
Waxaa uu xusay in dhaqaalaha lagu maareynayo doorashooyinkaasi la qoondeyn doona.
75 ergo oo matalayay Libya ayaa ku heshiiyay in dalkaasi laga qabto doorasho lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay oo dimuqraadi ah sida ku cad war qoraal ah oo ay soo saartay Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here