Ra’iisul wasaaraha Lubnaan oo hakiyay kulanka golaha wasiirada

Warbaahinta Al-Manar TV ayaa ku warramaysa in ra’iisul wasaaraha wadanka Lubnaan Sacad al-Xariri uu hakad geliyay qabsoomidda kulan lagu waday inay yeeshaan golihiisa wasiirada.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaadday wasaaradda arrimaha gudaha.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo wadankaasi ay maalinkii labaad ka socdaan dibadbaxyo qaran oo ay shacabka uga soo horjedaan sharci ku aaddan canshuuraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here