Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya oo kulamo ka wada Muqdisho

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlaamaanka Fedaraaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha iyo xildhibaannada wehliyay ayaa Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u hambalyeeyay una muujiyay taageero iyo garab istaag.
Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa mid isbarasho iyo is-xog wareysi ah maadaama Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban uu yahay Shaqsi siyaasadda ku cusub sidoo kale aan weli helin kalsoonida Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here