Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo maanta baarlamaanka Soomaaliya la horgaynayo

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa la filayaa inay kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajandaha Kulanka Maanta ee Baarlamaanka ayaa ah Hadal Jeedinta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & u Codeynta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Maxamed Xuseen Rooble.
Ka hor cod u qaadista kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ayaa waxaa la filayaa in Madaxweyen farmaajo uu kulanka ka jeediyo khudbad dheer, isagoo sidoo kale Golaha Shacabka ka codsan doona inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu dhawaan soo magacaabay.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay xildhibaannada golaha shacabka beelaha Soomaaliyeed iyo Siyaasiinta isagoo ka codsanayay inay codka kalsoonida ay siiyaan Baarlamaanku sidoo kalena lagu taageero shaqadiisa si uu u guto waajibaadkiisa Qaran.
Hadii ay Maanta ansixiyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa inuu si deg deg ah kusoo Magacaabo Golihiisa Wasiirada oo lagu sugayo fulinta heshiiskii doorashada ee ay wada gaareen Madaxweynaha dowlada dhexe ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxda Maamul goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here