Rai’isul wasaaraha Malasiya Mahaathir Maxamad oo xilka iska casilay

Rai’isul wasaaraha dalka Malasiya Mahathir Mohamed ayaa ku dawaaqay in uu xilka iska casilay kaddib muran badan oo siyaasadeed oo hareeray wadankaasi.
Iscasilaadiisa ayaa waxaa ay wadadha u xaareeysa rajadii ahayd in la sameeyo isbahaysi dawlad wadaag ah.
Rai’isul wasaaraha ayaa waxaa uu warqadiisa iscasilaada u gud biyay boqorka dalkaasi maanta oo isniin ah.
Xisbiga Muhathir ayaa waxaa uu sido kale ka baxay isbaheysigii uu lalahaa xisbiga talada haya ee dalkaasi sida uu sheegay madaxweyne Muhyiddiin Yassin.
Waxaa jiray warar sheegaya in Mr. Muhathir uu qorsheenayay inuu sameeyo isbahaysi cusub kaas oo uu ku jirin ninkii u xilka kala wareegay waa Anwar Ibrahim.
Muhathir oo 94 sanno jir ah iyo Anwar oo 72 sanno jir ah ayaa waxaa ay kamid yihiin hoggaamiyaasha ugu saameeynta badan dalkaasi waxaana jiray khilaafyo usoo dhaxeeyay muddo dheer.
Anwar iyo Muhathir ayaa waxaa ay midoobeen doorashadii sannadkii 2018-kii markaas oo ay ka guuleeysteen xisbigii xukumayay dalkaasi oo uu rai’isul wasaare ka ahaa Najib Razak.
Hoggaamiyahan iscasilay ayaa waxaa uu ahaa rai’isul wasaare iyo madaxa xisbiga BN muddo 22 sanno ah, laga soo bilaabo sannadkii 1981-kii ilaa uu xilka ka dagay sannadkii 2003-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here