Ra’iisul wasaaraha Malaysia oo karantiil galaya

Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Muxiyiddin Yassin ayaa maanta oo Isniin ah sheegay inuu si iskii ah isku karantiili doono muddo 14 cisho ah.
Go’aankan ayuu qaatay kaddib markii ay soo baxday inuu la macaamilay wasiir laga helay cudurka COVID-19.
Bayaan uu soo saaray ayuu dhanka kale ku sheegay in baaritaano horay loogu sameeyay ay dhammaan muujiyeen inuusan cudurku haleelin .
Muxiyiddin ayaa intaa ku daray in maalinkii Sabtida ay kulan ka wada qayb galeen wasiirka arrimaha diinta ee Malaysia Zulkifli Maxamad al-Bakri oo maanta xaqiijiyay inuu ku dhacay COVID19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here