Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo ka digay in Kashmiir lagu dagaalami karo

Ra’iisul wasaaraha Pakistani ,Imran Khan ayaa ka digay suurtagalnimada la xariirta inuu dhaco dagaal salka ku hayo xaaladda gobolka Kashmiir.
Mr. Khan ayaa dhigiisa India , Narendra Modi ku tilmaamay cunsuri waxaa uuna soo jeediyay in xukuumadda New Delhi ay soo afjarto bartilmaameedsiga iyo dhibaateynta shacabka gobolkaasi.
Xariirka ka dhexeya labadan dal ayaa sii xumaaday tan iyo 5-tii bishii hore xilligaasi oo dowladda India ay Kashmiir ku soo rogtay bandow milatari.
Sido kale waxaa ay jartay adeegyadii isgaarsiinta ee ay ka faaiidaysan jireen shacabka gobolkaasi.
Gobolka Kashmiir ayay dowladaha India iyo Pakistan in muddo ah isku haysteen waxaa uuna mid waliba sheeganayaa inuu maamulo.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa xusay in muddo 50 maalmood ah saraakiil gaaraya 900,000 ay howlgalo ka wadaan Kashmiir.
Waxaa uu intaasi ku daray in shacabka ay wajahayaan dhibaatooyin ay ka mid tahay isbitaalada oo aan shaqeynaynin, dad badan oo la xirxiray iyo mug baaxad leh.
Sido kale Mr. Khan ayaa hoosta ka xarriiqay inaan loo dulqaadan Karin in sida uu hadalka u dhigay 8 milyan oo qof ay ku jiraan xabsi dusha ka furan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here