Rai’isul wasaaraha Pakistan oo markii ugu horreysay safar ku tagaya Afghanistan

Rai’isul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago Afghanistan isaga oo lagu wado inuu la kulmo madaxweyne Ashraf Ghani.
Safarkiisa ayaa waxaa ku wehilinaya wafdi ballaaran waxayna labada dhinac ka wada hadli doonaan xiriirka laba geesoodka ah, hannanka nabadda ee Afghanistan iyo arrimo kale..
Mr. Khan ayaa safarkiisi ugu horreeyay ku tagi doonaa dalka ay dariska yihin ee ka xiga Waqooyi Galbeed, kaas oo ay hormuud u ahaayeen wada hadalka u dhaxeeya xukuumada iyo Taalibaan.
Rai’isul wasaaraha ayaa safarkiisa waxaa ku wehelinayaa wasiirka arrimaha Dibadda Shah Mehmood Qureshi iyo la taliyihiisa ganacsiga iyo maalgashiga Razzaq Dawood.
Safarkiisa ayaa ku soo aadeysaa wax yar ka dib markii saraakiil sarsare oo ka tirsan Afghanistan ay gaareen Pakistan kuwaas oo ay ka midka yihiin madaxa nabadda ee Afghan Abdullah Abdullah.
Bishii Oktobar, Pakistan ayaa sido kale casuumtay Gulbuddin Hekmatyar oo ah hoggaamiyaha Hizb-e-Islami, oo ahaa urur hubeeysan kaas oo hubka dhigay 2016-kii.
Sido kale waxaa la rajeenaya inay sii socdaan wadahadalka nabadeed ee u dhaxeeya dawladda Afghanistan iyo Taliban marka uu dalkaasii safaraka ku tago ra’iisul wasaare Imran Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here