Ra’iisul wasaaraha Rooble oo kormeeray Safaaradda Soomaalida ee Kuwait

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday Safaaradda dowladda Soomaaliya ee Magaalada Kuwait Caasimadda dalka Kuwait.
Waxaa Safaaradda kusoo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha safiirka Soomaaliya ee dalkaasi iyo Xubno kale oo ka mid ah howlwadeenada Safaaradda.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa safiirka iyo howl wadeenna uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay shacabka ugu adeeggaan una matalaan Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa uu sidoo kale u soo jeediyay dardargalinta howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adeegyada kala duwan Safaaradda uga Baahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here