Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo amar ku bixiyay in laga gurmado Fatahaadaha

Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay Shirka guddiga qaran ee kahor tagga Cudurka covid19,kaasoo habeen walba la qabto wuxuuna ku diga ku amaray inay laba jibaaraan shaqooyinkooda.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada loogu jiro ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo Gurmadka deegaannada ay saameeyeen daadadka ka dhashay Roobabka iyo fatahaadaha Wabiyada mara dalka Soomaaliya ee Juba iyo shabeelle.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xubnaha Guddiga oo u badan Golaha Wasiirada ee xukuumada ku amray in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya ka tirsan.
Soomaaliya ayaa xilligaan waxay wajaheysaa xaalado adag oo ka dhashay Cudurka Coronavirus kaasoo kiisas badan laga helay iyo fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka Magaalooyinka,Khardho, Baardheere iyo kuwa kale halka ay jiraan cabsi xooggan oo dhanka fatahaadaha ah oo soo foodsaatay dhamaan dadka ku nool deegaanada Wabiga jiinkiisa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here