Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku baaqay in loo turo dadka qaba xanuunnada dhimirka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaliyeed in la garab istaago dadka nugul ee qaba xanuunka dhimirka.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo shalay caalamka laga xusay maalinka caafimaadka dhimirka.
Waxaa uu Rooble sheegay in xukuumadda soomaaliya ay xoogga saari doonto wax ka qabashada dadka qaba xanuunka ee sii kordhaya.
“Kumannaan bulshadeenna ka mid ah ayaa la nool xanuunnada dhimirka, kuwaas oo inooga baahan daryeel iyo damqasho gaar ah. Waxaan xil gaar ah iska saareynaa daryeelka dadkeenna dhimirka ka xanuunsan iyo u helista xarumo lagu daryeelo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorrinayay dadka Soomaaliyeed in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo dadka la nool xanuunnada dhimirka.
Dhanka kale Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo si gaar ah uga shaqeeya daryeelka qeyb ka mid ah bulshada aad ula ildaran xanuunkan ayuu ra’iisul Wasaaruhu kala sheekeystay, ugana mahadceliyay howsha adag ee uu hayo ummadda Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here