Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kula Kulmay Dhuusamareeb Hogaamiyeyaasha Maamul goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Gelinkii dambe ee Talaadada gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa xalay Hoyga uu degan yahay wuxuu kula kulmay qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ku Sugan.
Kulankaas ayaa waxaa goobjoog k ahaa Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland,balse Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa dib ugu laabtay Magaalada Garoowe si uu uga qeyb-galo Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.
inkastoo ay albaabada u xirnaayeen kulanka RW Kheyre iyo Madaxda Maamul goboleedyada ayaa wararka laga helayo waxaay sheegayaan in looga hadlay qabsoomida kulanka Madaxda Dowladda dhexe & Maamulada iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee jira.
Kulankaan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dhex mara, kaddib shirkoodii Sabtidii ee ay ka soo saareen war murtiyeedka ay ku casuumeen Madaxda DFS inay ka soo qeyb galaan Wajiga labaad ee shirka.
Sidoo kale RW Kheyre iyo Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa si fool ka fool ah isku soo hor fariisan doona, tan iyo wixii ka dambeeyay go’aankii Golaha Wasiirada XFS ku qaadaceen dib u doorashadii Axmed Madoobe ee sanadkii hore.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa u diyara garoowga shirka lagu wado inuu dhex-maro Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya & Maamul Goboleedyada, iyadoo lagu wado in dhawaan uu tago Magaaladaasi Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here