Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaaqtay qaar ka mid ah Safiirada wadamada Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.
Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay.
Kulankan ayaa sido kale waxaa qeyb ka ahaa siihayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalkaasi Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad.
Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisul Wasaara Rooble sida Amniga, Doorashooyinka & Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here